Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Oo kulan isbarasho ah la qaatay Wakiilka Cusub ee Dawladda Ingiriisku u soo magcawday Jsl

  1. Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Oo Kulan Isbarasho ahaa Xafiiskiisa Kula Qaatay Wakiilka Cusub ee Dawladda Ingiriisku u soo magcawday Jsl

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan isbarasho ah la qaatay Wakiilka Cusub ee Dawladda Ingiriisku u soo magcawday Jamhuuriyadda Somalilad.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa soo dhoweeyey Safiirka Cusub, sidoo kale warbixin ka siiyey Somaliland, dhinaca kale Safiir Ilyas Malek ayaa isna Wasiirka uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey. Wasiirka waxaa kulankan ku wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo lataliyaha Wasiirka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

 

admin