Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl iyo Mayorka Hargeysa oo kulan Wada jir oo Amniga ku Saabsan La Yeeshay Madaxda Degmooyinka Caasimadda iyo Kuwa Laa.aha Amaanka Qaabilsan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee Caasimadda Hargeysa, ahna Maayorka Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge iyo Xoghaya Fulinta ee Dowladda Hoose Siciid Nuur Jaamac ayaa kulan Ballaadhan oo amniga Caasimada ku saabsan la Qaatay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Caasimada iyo kuwa amniga.

Kulankan ayaa ka qabsoomay Hoolka shirka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, shirkan ayaa mudadii uu socday lagu Lafa-guray sidii loo xoojin lahaa amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, maalmahan ay bisha Barakaysan ee Ramadaan gebogebada tahay, u diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18 ka May iyo guud ahaanba in fiiro gaar ah loo yeesho waxkasta oo cadawga Somaliland ay maleegayaan.

Shirkan muhiimka ah ayaa ku soo dhamaaday waji qurux badan, iyadoo kulamada noocan oo kale ahni noqon doonaan kuwo ay si joogta ah u wada yeeshaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Masuulinta Dawladda Hoose ee Caasimada.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin