Badhasaabka Gabiley iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo Degmadda Tog-wajaale ka furay shir ku saabsan Geedi socodka diyaarinta Siyaasada Nabada

Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maamulka Degmada Wajaale iyo Agaasimaha Waaxda dhismaha nabadda Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mustafe Ismaaciil Cabdi, ayaa gobolka Gabilay Degmadiisa Tog-wajaale ka furay shir ku saabsan Geedi socodka diyaarinta Siyaasada Nabada ee Qaranka JSL.

Wadatashigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, waxa loo qabtay Madaxdhaqameedka, Dhalinyarada iyo haweenka, Ciidamada Nabadgalyada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale , Mudane Mukhtaar Muuse Xasan, Taliyaha iyo Gudoomiyaha Gobalka Gobolkaasi Mudane Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye madax-dhaqmeedka, Dhallinyarada, iyo Haweenka, kuwaasoo dhamaantood lagu dhiirigeliyey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dar-dargalinta diyaarinta Siyaasada Nabada ee Qaranka ee Gobolka iyo Degmo ahaanba kaga qayb qaataan wixii Nabadgalyada adkaynaya ta gobolka iyo Wadajirka bulshada ku dhaqan Gobolkaasi.

admin