Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl Oo Kulan Gaara Xafiiskiisa Kula Qaatay Guddida Fulinta & Xildhibaanadda Dowladda Hoose Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka shir muhiim ah la qaatay guddida Fulinta ee Golaha Degaanka ee Caasimada Hargeysa iyo guud ahaanba Xildhibaanada Golaha Deegaanka.

Kulankan ayaa ku saabsanaa is xogwaraysi iyo dardaaran guud uu Wasiirku siiyey Xildhibaanada, kaasoo ku saabsanaa in ay ka fogaadaan khilaaf danbe oo dhexdooda ka dhaca iyo in ay dardargeliyaan shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan Bulshada ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayor Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge ayaa iyana ballan qaaday in ay ku wada shaqaynayaan midnibo iyo wada jir, waxkastana ay ku xalinayaan dhexdooda. Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfam, iyadoo la isla qaatay in laga wada shaqeeyo horuumarka Caasimada Hargeysa iyo arrimaha Nabadgalyada.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin