Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo uu Weheliyo Duqa C. Hargeysa Oo Xafiiskiisa kula qaatay Nikolia Rogosaoff oo ah Wakiilka cusub ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Jamh. Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan maanta Xafiiskiisa kula qaatay Nikolia Rogosaoff oo ah Wakiilka cusub ee Xafiiska Qaramada-midoobey ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan oo is barasho ahaa waxaa ku wehelinayey Wakiilka cusub masuulkii xafiiska ugu horeeyey Simon Strachen.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha waxaa kulankan ku wehelinayey Maayor Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil iyo Masuulin kale.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin