Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Soo Xidhay Shir 2ba Maalmood Xarunta Wasaaradda uga Socday Badhasaabyada Dalka

Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Soo Xidhay Shir 2ba Maalmood Xarunta Wasaaradda uga Socday Badhasaabyada Dalka

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil’ ayaa soo geba-gebeeyey shir muddo laba cisho u socdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadgelyada guud ee Dalka, xoojinta wadashaqaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyeyaasha, dardargelinta hawlaha culus ee ay Qaranka ku hayaa Gudoomiyeyaashu iyo horuumarinta dhinaca Mashaariicda ee Gobolada.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa soo xidhay shirkan, waxaanu ku soo dhamaaday guul.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

 

admin