Daawo: Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha ah ee Konfurta Gobolka Sool Oo Saaka Ka Furmay Magaalada Laascaanood

Laascaanood (MOI)- Waftidii Ka socday Xukuumada JSL ee uu Hogaaminayey Wasiirka Arrimaha GUdaha Somaliland ayaa Saaka Si Rasmiya u furay shirka nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee dhawaan Colaadu ku dhex martay Koonfurta Gobolka Sool.

Shirka Nabadaynta oo saaka si rasmiya Uga furmay Hotel Xamdi ee Magaalada Laascaanood ayaa waxaa kasoo qayb galay Waftida Xukuumada Somaliland oo Ka Kooban Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed , Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Boliska JSl S/guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Taliyaha Aaga Bariga Ee Ciidanka Qaranka S/guuto Cali Bare Xuseen, Badhasaabka Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Gargaar, Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka , Badhasaabka Kuxigeenka Gobolka Sool Axmed Maxamed, Maayirka Laascaanood Cabdicasiis XuseenTaarwale, Iyo Qaar Kamida Maayirada Degmooyinka Gobolka Sool

Dhinaca Kale Waxaa Iyaguna Kasoo Qayb galay Shirka Nabadaynta Ergada Labada Beelood ee Colaadu Dhex Martay , ergadii Dhexdhexaadinta Nabadaynta ee Gobolka Sool, Ergooyin ka socda Beelaha Wada Dega Gobolada Sool,Buuhoodle, Xaysimo Iyo Gobolka Sanaag oo dhamaantoodba u yimi xalinta Nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee Koonfurta Gobolka Sool kuwaasi oo ay ku marti qaaday xukuumada Somaliland.
Shirkan Ayaa ugu horenyba waxaa Furay Wasiirka Arrimaha gudaha JSL oo lahaa qabanqaabada oo halkaasi hadalo Qiimo leh uga soo jeediyey kasoo qayb galayaasha shirka nabadaynta.

 

admin