Shirkii Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Gobolka Sool Oo Maalintii 2aad Galay Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Awaamiir Bandoo Ah Kusoo Rogay Qaybo Kamida Magaalada Laascaanood.

Laascaanood (MOI)-  Waxa Maalintii Labaad Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Ka Socda Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah  ee wada dega  Koonfurta Gobolka Sool kaasi oo fadhigii  maanta  lagu  magacaabay  Tirada xumbaha  ergada unoqonaya  labada beelood ee nabadayntooda loo fadhiyo  iyo sidoo  kale  Tirada  shir gudoonka Shirka Nabadaynta beelaha  Walaalaha ah.

Shirkan  oo saaka  ku  furmay  jawi  degan  iyo  isdhexgal ka  dhashay  nabadii  la  xidhay  oo ka muuqday  ergooyinka labada beelood ee nabadayntooda loo fadhiyo  ayaa waxaa ugu   horeyn  shirkaasi   furay   Badhasaabka  Bogolka Sool Oo Ergooyinka  kula  Dardaarmay  iyo  waxkhtiga ilaaliyaan  inta uu  socdo  shirka  nabadayntu  waxaana  hadaladiisii kamid ahaa  “Saaka waxaan  codsanayaa cida gudida ah ee loo igmaday  hawsha ee ay ugu horeeyaan  cida gudida u  ah  labada beelood ee lasoo  xuli doono iyo cuqaashiina iyo waxgaradkuba   waxaan  idinka codsanayaa  inaad waxtiga ilaaliyaan  hawshuna gudidaan ku wareejindoonaa waxaana kussoo dhaweynayaa wasiirka”.

Waxaasirka  arrimaha  GUdaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed  Oo Halkaasi Ka Hadlay  ayaa halkaasi  kasoo  jeediyey   amaro  culculu oo  uu  farayo Badhasaabka Gobolka Sool, Taliye Ku xigeenka Ciidanka Boliska S/Guuto  C/raxmaan Liibaan Fooxle,   Taliyaha Qaybta Gobolka Sool Ee Ciidanka Boliska, Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Milaraiga, iyo  sidoo  kale  tirooyinka   shir guddoonka iyo  ergada labada beelood u garamaya waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Dabcan  waxaynu  ku  xisaabtamaynaa waa wakhtiga waxaanaynu  doonaynaa inaynu  qaabaynu  qaabkii  shirku  inoogu  socon lahaa   1-  guddida  kaxamka ah gartaa naqaysa  ee idin wada hadalsiinaysaa  waxay  ka koobnaan doonaan  5 xubnood oo  culimo ah iyo  15 Oday oo ka kooban Odayaasha Beesha Dhulbahate iyo Fuqashini dee deegaanka  oo xeerbeegti  odoyeed ah,

2-labada beelood  raga cuqaal iyo codkar iyo waayeel  hawshaa igu  qayb  galaysaa tiradoodu waxay  noqonaysaa min 21 qof tirade hadhowto u  hadlaysa qaabka ay  u  agaasimayaan iyo raga ay la tashanayaanba.

3- waxaan idiin sheegaynaa  labada beeloon isla galabta idinkoo ilaalinaya wakhtiga  inaan liiska xubnaha  21ka ah  aad kusoo  xaraysaan  xarunta badhasaabka.

Intaasi  waa hawsha halkan waxaa fadhiya taliye kuxigeenkii  Ciidanka Boliska Taliyihii Qaybta ee Boliska Iyo Taliyihii Aaga bari ee milatariga  waxaan  farayaa in  laga  bilaabo sagaalka fiidnimo ee  caawa ( 9:00pm ) in xaafada aad wada degtaan ay bandoo yihiin oo aan  cidi  dhex  mari doonin ,

Wixii intaa ka  danbeeya anagu waxaan  fulinaynaa  wixii  go’aamu ah ee  gudidaasi kasoo baxa”

Ugu  danbayntii waxaa  halkaasi  ka  hadlay  guddoomiyaha  golaka wakiilada  Somaliland Baashe Axmed Faarax  waxaa  uu  sheegay  in  nabada laga  wada shaqeeyo oo ciidamada lala shaqeeyo  shirka iyo hamsami usockiina la ilaalino.

 

admin