Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Oo Kormeeray Qaybta Boliska Gobolka Sool Ee Magaalada Laascaanood.

Laascaanood (MOI)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Jsl Maxamed Kaahin Axmed. Ayaa saaka arooryadii hore Kormeer ku Tagay taliska qaybta Boliska gobolka sool ee Magaalada Laascaanood.

Kormeerkan ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL waxaa ku wehelinayey Taliye ku Xigeenka Boliska Jsl S/guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle iyo taliyaha aaga Bari ee ciidamada milatariga JSL S/guuto Cali Bare Xuseen ayaa ujeedadiisu ahayd sii loo dardar galin lahaa hawlgalada lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba Gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Maxamed Kaahin Axmed ayaa khudbad dheer oo uu ku farayo awaamiir kala duwan iyo diirigalin u jeediyey ciidamad Boliska ee ku sugan Laascaanood.
Wasiirku waxaa uu ku adkeeyey ciidamada inay gacan bira ku qabtaan amniga iyo xasiloonida Gobolka Sool una adeegaan shacbiga iyagoo culayskasta oo ku yimaada u dhabar adaygaya.

admin