Wasiir Arrimaha Gudaha JSL Oo Gudoomiye Cusub U Magacaabay Degmada Daarasalaam Ee Gobolka Maroodi Jeex

Hargeysa(SLMOI):Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Daarasalaam oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex.

Xeer Wasiir Faratoon soo saaray maalintii Sabtida, waxa uu xilka Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam ugu magacaabay Mr. Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed.

“XEER WASIIR LAMBAR: 24/11/2016: Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland; markii uu arkay qodobadda 110aad iyo 111aad ee Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; markuu arkay qodobka 18aad ee Xeer Lr.23/2002 (Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka); markuu aqoonsaday baahida keentay in isbeddel lagu sameeyo xubnaha guddiga fulinta ee gobollada dalka qaarkood; markuu tixgeliyey talada madaxda iyo odayaasha arrinta degmadani khusayso; wuxuu xeeriyey qodobka 1aad in Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed loo magacaabay inuu ahaado Guddoomiyaha cusub ee Degmada Daarasalaam marka laga bilaabo taariikhda xeerkan.

Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa marka uu saxeexo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex waxa la farayaa inuu xilka si buuxda ugu kala wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee Degmada Daarsalaam iyo guddoomiyihii hore, isla markaana guddoomiyaha cusub ku hawlgeliyo xilka loo soo magacaabay.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Daarsalaam waxa la farayaa inuu xilkiisa si hufan u guto,” ayuu Wasiirka Daakhiligu ku yidhi wareegtada uu masuulka cusub ugu magacaabay Degmada Daarasalaam oo ku taal woqooyiga caasimadda Hargeysa.

 

admin