Daawo: Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Manta Si Rasmiya Wakiilka Haayada ILO Ugala Wareegay Qalab Kala Duwan Kuna Wareejiyey Maayirka Degmada Sheekh

Hargaysa(SLMOI)-  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  AMB. Cabdi Fataax Siciid  Axmed   ayaa  maanta  si rasmiya    ugala wareegay   Wakiilka  Haayadda  ILO ee Somaliland  Cabdi xamiid  Maxamed Cumar   Qalab  kala duwan  oo  loogu   tallo  galay  Degmada Sheekh .

Qalabkan  uu  agaasimuhu   kala  wareegay  haayada ILO   ayaa ka  koobnaa qalabkii  xafiisyada, (Furniture), qalabka Engineering-ka , computers  iyo  qalab sahlaya  Cabirka kaabashaada dhaqaalaha  sida wadooyinka.

Waxaa ugu  horeynba  munaasibada  wareejinta  qalabka  ka  hadlay Wakiilka  Haayadda  ILO ee Somaliland  Cabdi xamiid  Maxamed Cumar   waxaana hadladiisii  kamid ahaa “manta oo  ay  bishu  tahay  17/11/2016  waxaan si  rasmiya  u  wareejinayaa  anigoo ah  wakiilka Haayada ILO oo  matalaysa haayadaha GPLG-ga Qalab aanu  uugu talo galnay  degmada Sheekh waaxda  Hawlaha guud ee Degmadaasi  sidii  aanu   ugu wareejinay 7 degmo  ee hore ee ahaa GPLG-ga tana  ay  tahay tii uugu  danbaysay  qalabkan oo ka  kooban  qalabkii  xafiisyada  Furniture, qalabka Engineering-ka , computers  iyo  qalab sahlaya  kaabashaada dhaqaalaha  in si wanaagsan  loo cabiro sida wadooyinka guud ahaan  qalabku intaasuu  ka  kooban yahay waxaan ku  wareeginayaa  agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha oo isna kusii wareejin doona  maayirka degmada sheikh anaguna goobjoog  ayaanu ka ahaanaynaa”.02

Dhinaca kale  waxaa  halkaasi  ka  hadlay  Agaasimaha Guud Ee Wasaarada  Arrimaha Gudaha  Amb. Cabdifataax Siciid Axmed  oo  isago   qalabkaasi  isla goobta  kusii wareejiyey  maayirka Degmada Sheekh  waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa “ Haayada ILO ee  cabdixamiid wakiilka  ka yahay  aadbaanu  uugu  faraxsanay  qalabkan  ay  keentay  oo ka  kooban  electronic hadan isku idhaa iyo   qalabka xafiisyada lagaga shaqaynayey  runtii  waxaan  leeyahaya aadbaad u  mahadsan tihiin  Degmada Sheekh waa degmooyinka ugu   muhiimsan 8 Degmo  ee uu  ka shaqeyyo  GPLG  wax qabad badana runtii way  muujiyeen  waxaanaan  jeclahay  qalabkan  sidaa  cabdi  xamiid hore u  sheegayba inaan  ku wareejiyo  maayirka Degmada Sheekh”

Ugu danbayntii  Agaasimaha  oo  hadalkiisa sii wata waxa hadalkiisa  kamid  ahaa  “ waxaan  u  mahad celinayaa  Aadan oo ka  socda UNCDF  , ILO, injineerada iyo   dhamaan  tiimkoo  dhan. maayir  kusoo  dhawoow,  ”

Ugu  danbayntii  Waxaa  goobtaasi  ka hadlay   Maayirka Dehmada Sheekh  Ibraahin Cabdillaahi  Obsiiye  waxaana hadaladiisii  kamid ahaa

“wuu  mahadsanyahay   agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha  iyo Madha Hayada  ILO  ee  Somaliland  UNCDF injinerada ILO dhamaan tiinba  marka hore waan  idin  salaamayaa  mar labaadkana waxaan sheegayaa in  qalabkani  yahay  qalab  faaíido  badan  leh  sababtuu  u  yeelanayaana waxa weeyaan  wuxuu   khuseeyaa  tiknikali   shaqadii  la qaban  lahaa  waa qalab  loo  baahnaa nasiib wanaagbay  noo tahay  inaan  guddoono”

Agaasimaha  aya waxaa Ku  wehelinaayey  Munaasibada uu  qalabkani  kula  wareegay  isla markaana uu ugu  wareejinayey   maayirka Degmada Sheekh La taliyaha Mashruuca GPLG Maxamed Yuusuf   halka   dhanka Haayada ILO aya   matalayeen Wakiilka U Qaabilsan  Somaliland C/xamiid Maxmed Cumar Iyo Aadan  XAsan  Maxamed Oo Ka Socday  UNCDF.

01 03 04 05 06 07 08 09 10

admin