Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ka Haddashay Dil Laascanood Ka Dhacay Shalay Iyo Nabadayntii Deegaanka Ceel-Afweyn

Hargeysa :(SLMOI) Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxemd Muuse Diiriye oo maanta qaar kamid ah war-baahinta kula haddlay magaalada Hargeysa, ayaa ka haddlay dil maalintii shalay ahayd ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood,waxa kale oo uu ka haddlay wasiiru dowlaha arimaha guduhu shaqaaqdii ka dhacday ceel0afweyn.

Maxamed Muuse Diiriye ayaa ugu horrayn ka haddlay dilkii shalay ka dhacay gudaha magaalada Laascanood,”Haa Wuu Dhacay Dilkaasi talaabadii ku haboonaydna waa la qaaday Niman-kii dilka geystana waa la hayaa,hawshaasi waa dhammaadat”Ayuu Yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
Dhan kalene Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka haddlay shaqaaqdii labada beelood ee walaala’ha ah ku dhexmarta degaanka ceel-afweyn waxaanu sheegay in la soo afjara, balse ay jirtio qabyo yari”Arintaasi si wanaagsan ayey u dhammaatay , waase qabyo qabyo badan ayaa ku jirta, waayo sabatoo ah, kol haddi aan magtii la kala qaadan qabyo ayaa taala, iyadana duruufaha taagan ee abaaraha ee waxa dhacay markaa lama haddalyoba, markaa hirta roobku ha -da’o.”Ayuu Yidhi
Ugu dambayntii Maxamed Muuse Diiriye ayaa haddalkiisa ku soo afmeeray”Arintaasi waxa galay dad la majaro habaabiyey, ayaa hawshaa galay,dhulkaasi waa dhul aan laga ogolayn in beer laga qodo,ama wax kale lag qodo, dhulkaasi waa dhun xoolo daaqeen ah,wixii ceel laga qodona waan duminaynaa,wixii meelo la binaystayn waan ged-baynaa,cid ale cidii hawshaa ku lugta leh talaabo sharci ah ayaanu ka qaadaynaa,cidina yaanay isku dayin in ay dhulkaasi wax ka day-do,dhulkaasi waa dhul xoolo daaqeen ah.hadii intaas la taab-taabto xoolo inoo joogi mayaan, umada halkaasi joogta waxaan leeyahay dhulkaasi ilaashad”Ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
admin