Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la yeeshay Gudida ay ku midoobeen Booyadaha Biyaha u dhaamiya Caasimada Somaliland ee Hargeisa, kuwaasoo ka cabanayey qiimaha shiidaalka oo adduunka oo dhan ka qaaliyoobey ama ka kordhay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la yeeshay Gudida ay ku midoobeen Booyadaha Biyaha u dhaamiya Caasimada Somaliland ee Hargeisa, kuwaasoo ka cabanayey qiimaha shiidaalka oo adduunka oo dhan ka qaaliyoobey ama ka kordhay.
Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Maamulka Gobolada iyo Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, Maayorka Caasimada Hargeisa Cabdikariim Axmed Mooge, Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Maroodi Jeex Khadar Baaruud iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqanka Dhismaha Nabada iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Mustafe Ismaacil Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Gudida Booyadaha Biyaha, ayaa isla afgartay in arrinta halkaa lagu dhameeyo khilaaafkana la soo gebo-gebeeyo, shaqadana ay sideeda u sii wadaan Booyadaha biyuhu oo aanay joojin inta ka horaysa heshiishka. Dhimaca kale waxaa isla gartay in beri subax heshiish lagu wada gaadho Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, kulankan lagu dhamaynayo khilaafka waxaa goob joog ka noqon doona Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiis Maxamuud Xasan (Sacad Saajin).
Kulankan ayaa ku soo dhamaaday is fahan,iyada oo inta dhimana la dhamayn doono beri haddii Alle Idmo.
Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa qaabilay Gudida Basaska ee Caasimada Hargeisa, kuwaasoo ka cabanayey qiimaha Shiidaalka ee kordhay.
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 4 people, people sitting and indoorMay be an image of 8 people, people sitting and indoor
admin