Daawo: Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Saaka Shahaado Sharaf Sagootin Ah Xafiiskiisa Gu Guddoonsiiyey Mss Anne Elisabeth +Sawiro

Hargaysa (MO)I)- 01/02/2019 Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kahin Axmed Ayaa Arooryadii Hore ee Saaka Xafiiskiisa Ku Sagootiyey Madaxa Haayada Danida Ahna Guddoomiyaha ku xigeenkii Fooramka Maamul Wannaaga MSS. Anne Elisabeth .
Mss:Anne Elisabeth oo in muddo Ah Ka Shaqaynaysay Somaliland isla Markaana Maamulay Mashruuca JBLG Isla markaana Ahayd Gudoomiye Ku Xigeenka Fooramka Maamul Wanaaga iyo Mashaariic Horumarineed oo badan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayaa Saaka Guddoonsiiyey Shahaado Sharaf uu ku Maamuusayo mudadii ay Somaliland Ka Shaqaynay Waxaana uu sheegay in Mudaddii ay Guddoomiye ku xigeenka u ahayd ay wax badal la qabatay mudadii ay La Shaqaynaysay Wasaaradda Arrimaha GUdaha.

Dhinaca Kale Mss Anne Elisabeth oo ayaa dhankeeda u mahadcelisay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Iyo Xukuumada Somaliland.

admin