Daawo:Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Saaka Si Rasmiya U  Furay Shirka Maamul Wanaaga  Arrimaha Dawlada

Hargaysa(MOI)-  Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed  ayaa  saaka si  rasmiya  u   furay  Shirka maamul wanaaga  arrimaha dawlada, kaasi  oo  aalaaba  lagaga wada hadlo  maamulwanaaga iyo isku xidhka haayadaha iyo dawladaha qaadhaan bixiyayaasha ah.

Shirkan oo  dhawrkii  biloodba  mar la qabto ayaa  waxaa kasoo Qayb  Galay  Wasaaradaha daakhildiga,  qorshayta , maaliyada , cadaalada,  Khaarajiga iyo  haayadaha la xidhiidha arrimaha nabadgalyada iyo  xidhiidhada caalamiga  ah .

Muhiimada guud ee Shirkan  ayey  ujeedadiisa ugu weyni  tahay isku  xidho haayadaha iyo dawladaha qaadhaan bixiyayaasha ah iyo xukuumada dawlada Somaliland inay  ka wada shaqeeyaan  arrimaha  ku  xusan  qorshaha  qaranka oo  ka  kooban  shan  qaybood  oo ay  kamid yihiin,  Cadaalada, Xuquuqul Iinsaanka, Nabadgalyada , Arrimaha Khaarajiga , Maamul Daadajinta Iyo Buplic Resources-Ka.



admin