Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Oo Kulan LA Qaatay Gudida ka Tallo Bixinta Xeer No: 23 .

Hargaysa(xafiiska Afhayeenka)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka kulan LA qaatay gudi ka kooban xeer ilaalinta iyo shaqaalaha wasaarada Arrimaha Gudaha.

Gudigan oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka koobnaa agaasimaha guud ee gobolada iyo degmooyinka Cabdi Gurey, agaasimaha guud ee amniga Mukhtaar Maxamed Cali, agaasime waaxeedka gobolada iyo degmooyinka, garyaqaan ka socda xeer ilaalinta, xubno kamida LA taliyeyaasha wasaarada iyo xubno shaqaalaha wasaarada ah.


Kulankan saako oo qaatay saacado kooban ayaa ahaa mid lagu soo xidhayey talo bixinta iyo lafagurida xeer 23 kaasi oo inmuddo ah ay gudida loo xilsaaray u fadhiday hoolka wasaarada Arrimaha Gudaha.
Xeer no 23 ayaa bari LA gayn donaa golaha baarlamaanka.

admin