Daawo: Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Waftidii uu hogaaminayey Ee Arrimaha Nabadaynta U Joogay Magaalada Laascaanood OO Kormeer Ku Tagay Deegaanata Shaqaaqadu Ka Dhacday.

Laascaanood (MOI)- Wefti Ka Socday Xukuumada Somaliland Oo U Yimi Gurmadka Iyo Deminta Colaada Koonfurta Gobolka Sool Ka Soo Cusboonaatay Oo Shalay Soo Gaadhay Magaalada Laascaanood Ayaa Maanta Gaadhay Deegaanada Shaqaaqadu Ku Dhex Maratay Beelaha Walaalaha Ah Ee Wada Dega Deegaanadaasi.

Weftigaas Oo Ka Kooban Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda Iyo Sayniska Yaasiin X Maxamuud Xiir, Taliye Kuxigeenka Ciidamada Bileyska Sareeye Guudto C/Raxmaan Liibaan (Fooxle), Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdule Gargaar, Taliyaha Aaga Bari Sareeye Guuto Cali Bare Xuseen, Taliyaha Qaybta 7-Aad Ee Cq Gaashaanle Sare Mahad Canbaashe Cilmi Waxaanay Weftigaasi Soo Mareen Deegaanada Kalabaydh, Dhumay Iyo Dabataagta Kuwaasi Oo Ay Saameyn Laxaadle Gaadhsiiyeen Colaadahaa Sokeeye Ee Dhexmaray Bulshada Walaalaha Ah Ee Wada Dega Deegaanadaasi.

Weftigu Waxay Kulano Kala Duwan La Yeesheen Cuqaasha Iyo Waxgaradka Labada Beelood, Kulamadaasi Oo Lagu Xoojinayo Nabada Iyo Xasiloonida Deegaanadaasi.
Ugu Horeyn Waxa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Kadib Is Xogwaraysi Ay La Yeesheen Duqayda Iyo Waxgaradka Deegaanadaasi Waxa Uu Wasiirku Halkaasi Ka Soo Saaray Qodobo Sal Looga Dhigayo Nabad La Isku Halayn Karo Oo Deegaanadaasi Ka Dhacda. Qodobadaasi Oo Ay Ka Mid Ahaayeen
1. In La Kala Raro Maleeshiyaadka Labada Beelood,
2.In Xabad Joojin Rasmi Ahi Dhacdo Iyo
3. In Wixii Wadahadal Ah La Iskugu Yimaado Magalada Laascanood.
Qodobaaasi Ayaa Gun-Dhig U Noqon Doona Geedi Socod Nabadeed Oo Laga Gaadhi Doono Colaadaha Sokeeye Ee Deegaanadaasi Ku Soo Noqnoqday.

Sidoo Kale Waxa Isaguna Goobtaasi Ka Hadlay Wasiirka W.W &S Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Waxaanu Hadalkiisa Ku Bilaabay; Run Ahaantii Aad Baan Uga Xumaanay Colaadaa Soo Noqotay Taasi Oo Hore Loogu Bixiyey Dedaalo Wax Lagaga Qabanayo, In Ay Inagu Soo Noqnoqdaana Waa Ayaan Daro Weyn, Sidaa Darteed Waxan Idinkula Dardaarmayna In Ad U Hogaansantaan Awaamiirtaa Uu Wasiirka Arrimaha Guduhu Ka Soo Saaray Colaadaa Dhexdiina Taala.

Waxa Iyaguna Kulamadaasi Ka Hadalay; Taliyaha Qaybta 7-Aad Ee Cq Gaashaanle Sare Mahad Canbaashe Cilmi, Iyo Waxgaradka Labada Beelood Ee Dirirtu Dhexmartay Waxaanay Dhammaantood Halkaa Ka Sheegeen In Ay Ka Shaqayn Doonaan Nabad Taam Ah Oo Deegaankan Iyo Bulshadiisuba Gaadho.

Ugu Danbayn Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax Ayaa Kulankaasi Ka Soo Jeediyey Khudbada Kooban Oo Dhinacyo Badan Taabanaysay, Waxana Hadaladiisii Ka Mid Ahaa; Waxan Tacsi U Dirayaa Dhammaan Dadkii Inagaga Dhintay Labada Dhinacba, Waa Dad Ehel Iyo Qaraabo Ah, Dad Ehel Iyo Qaraabo Ah Oo Dhalooyo Ahna Waad Tihiin, Sidaa Darteed Waxan Dawlad Ahaan Iyo Deegaan Ahaanba Idiin Sheegaynaa In Aan Loo Dulqaadan Doonin Colaad Danbe Oo Uu Wiil Inagaga Dhinto, Cida U Hogaansami Weyda Qodobadaa La Soo Saarayna Talaabo Sharciga Waafaqsan Baa Laga Qaadi Doonaa.

Weftigan Culus Ayaa Gobolka Sool U Jooga Nabdaynta Iyo Walaalaynta Beelaha Walaalaha Ah Kuwaasi Oo Ay Colaaadoodu Soo Noqnoqotay Mudooyinkii U Danbeeyey.

admin