Daawo:Nuxurka Qodobo Iyo Go’aamo Laga Soo Saaray Colaadii Ka Taagnayd Deegaanada Koonfurta Gobolka Sool+ wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay

Hargeysa(MOI)- Waxaa maanta Magaalada Laascaanood Ku Soo Xidhmay Shir In Mudo ah Uga soconayay Labada ardaa ee Qayaad iyo Baharsame kaaso Lagu nabadeenayey Beelahaasi  oo Mudo dagaal ka dhexeeyay.

Wafti balaadhan oo uu  hogaaminayo wasiirka  arrimaha Gudaha JSL   oo  baryahanba ku  sugnaa ayaa maanta   shirkaasi  ilaahay ku  guuleeyey  inay  kusoo  afjaraan go’aamo iyo  heshiis  dhaxal  gala.

Labadan beelood oo wada dega deegaanada Koonfurta gobolka Sool ayaa muddo badan kasoo dhaxaysay dirir colaadeed oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana mudooyinkii u danbeeyey lagu jirey sidii labadan beelood nabad waarta looga dhex dhalin lahaa islamarkaana halkaasi loogu so afjari lahaa colaada riiqda dheeraatay ee kasoo dhaxaysay labadan Beelood.

Garnaqa iyo soo afjarida colaada labadan Beelood oo ay gacanta ku haysay maalmihii u danbeeyey maxkamadda Islaamiga ah ayaa waxa laga soo saaray qodobo dhawr ah oo la filayo inay dabar u noqdaan colaadan iyo dagaaladan sokeeye ee deegaanada Koonnfurta gobolka Sool ku dhex maraya labadan ardaa.

Qodobada lagu xakaymaynayo colaadan ee kasoo baxay shirkii nabadaynta beelaha Qayaad iyo Baharsame ayaa waxa kamid ahaa sida nuqulo kamid ah ay helayso shabakada Ramaasnews

  • Dadkii dhintay ee Ragga Waxaa laga rabaa Qolo kasta 33 Geella oo midkiba Lagu qiimeeyay $500 (Shan Boqol Oo Dollar)
  • Wixii dumara ee labada dhinacba Waxaa laga soo qaaday 17 Geella oo udhiganta 500$ (Shan Boqol oo Dollar)
  • Wixii lakala dhacay ee Hanti Iyo Gandhi ah aan cidna loo Raacin labada dhinacba.
  • Cidii Danbe ee wada Falal Nabada lidi ku ah in lala soo socodsiyo Cidamada amaanka iyo Gudida nabadgalyada.
  • In qofkii qof dila loo qisaaso

Qodobadan kasoo baxay shirka Nabadaynta labadan Ardaa ayaa waxa la filayaa inay Bud-dhig u noqdaan nabad waarta oo ka dhex dhalata labadan ardaa ee walaalaha ah ee ood wadaagta ku ah deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

 

1 2

 

 

admin