Wasiiru Dawlaha Aminiga Oo Guul Kusoo Afmeeray Shirkii Labada Beelood ee Waqooyiga Hargaysa Wada dega

Hargaysa(MOI)-  Wafti  Uu  Hogaaminayo  Wasiiru  Dawlaha  Wasaarada Arrimaha Gudaha  Somaliland  Maxamed Muuse Diiriye   ayaa  ka  qayb  galay  Shir  Tuulada Cabdi geedi   uga  qabsoomay   beelaha  walaalaha  ah  ee  Ciise Iyo Sacad muuse Galbeed.

Beelaha Ciisaha  Iyo Sacadmuuse Galbeed    Ayaa  Hore  Is Rasaasayn  Ugu  Dhex  Martay  Deegaanka  Higlada  Halkaasi Oo  Qasaare  Sahlani  Ku   Dhex  Maray  Waxaana   Shirkani  ujeedadiisu  ahayd  sidii  loogu   kala  bogsiin  lahaa   beelaha  walaalaha  ah   Si   Bilaa Turxaan  Ah   Iyadoo  Ay  dood iyo  garnaqsi  dheer  kadib  ay   shirka  kasoo baxeen  Qodobo Muhiim   Ahi.

Qodobada  shirka  la iskula  afgartay ayaa  waxa kamid ahaa

  • In lays calool xaadho lagana  wada  shaqeeyo  nabada  iyo  iskaashiga  labada reer
  • In shaqaaqadii ka dhacday   labada reer  dhex dooda  laga  bixiyo  lacag  dhan $6000 ( lix  kun oo  dollar)  oo  xaal   isla markaa  wixii  dhaawaca  la kala  xaqdo
  • In wixii  magdhaw  iyo  xoolo  ah ee la xaqay la isku  siiyo  mudo   dhan 15 cisho guhood  oo ka  bilaabantan  08/3/2017 ilaa 23/03/2017
  • In la sameeyo  guddi labada  dhinaca  oo  ka  shaqaysa  nabadgalyada iskaashida  iyo isku soo  dhaweynta beelaha

Socdaalkan uu  wasiiru dawlaha  wasaarada arrimaha gudaha   Somaliland  kaga  qayb  galay  shirkan  ayaa  waxaa ku  wehelinayey   xubno  kamida  xildhibaanada   kasoo  kalada jeeda  labada  beelood  waxaana  uu   shirkaasi  kusoo  dhamaaday  guul  iyo  is   garad.

 

admin