Daawo: Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Hadaladii Uu U Jeediyey Soo Dhaweyntii Reer Gabiley U Sameeyeen Muuse Biixi

Hargaysa(MOI)- Wafti Balaadhan Oo Maalmahanba Socdaal Shaqo Ku Joogay Dalka Ethiopia Ayaa Maanta Kusoo Guryo Noqday Dalkooda Hooyo Ee Somaliland .

Waftigan Oo Ay Hor Kacayeen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Iyo Gudoomiyaha Ahna Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalo Xadeedka Wajaale Ilaa Gabiley.
Masuuliyiintan ayaa shacbi weynaha gobolka gabiley kala hadlay fagaaraha magaalada Gabiley iyaga oo dadweynaha uga waramay socdaalkoodii Ethiopia oo ay waxyaalo badan kasoo wada hadleen.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa xadhiga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay dawlada hoose ee gobolka,.

 

admin