Fadhigii Maanta Ee Golaha Wasiirada Somaliland Oo Lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sanadeeda 2017

Hargaysa(MOI)- Fadhigii maanta ee golaha  wasiirada  oo  ahaa  fadhigii 210 aad  ee    golaha wasiirada ayaa  maanta si  rasmiya  loogu  ansixiyey  miisaaniyada  sanadeeda  2017 sida  lagu sheegay warsaxaafadiid kasoo  baxay  aqalka madaxtooyada  oo  u   dhignaa sidan  hoos ku  qoran.

WAR-SAXAAFADEED: 22 /12/2016
Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.
Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.
Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.
Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:
No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337
2 Hay’adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482
Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

admin