Daawo: Wasiir Ku Xigeenka Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha JSl Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Uu Kaga Hadlaayey Goobaha Lagu MUransan Yahay

Hargaysa(SLI)- Wasiir Ku xigeenka Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka ee wasaarada Arrimaha Gudaha JSl Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa maanta shir jaraaíd ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay 6 goobood oo ku yaala xeebta isla markaana ay ku muransan yihin gobolada Awdal, Maroodi Jeex Iyo Salal.

wasiirka ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal kasoo jeedhay guddoomiya xisbiga waddani oo ka hadlay goobaha lagu muransan yahay kuwaasi oo hore xisbigiisu iyo asxaabta qaranka iyo xukuumaduba iskula qaateen oo ay goáamiyeen goáankii uu shaaciyey wasiirka cusub ee wasaarada arrimaha gudaha somaliland

wasiirku xigeenka oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlaaya waxaa hadaladiisii kamid ahaa

“waxaan halkan idiinku yeedhnay maanta hawlaha qaranka iyo hawl galinta waxa waajiba wixii umada iyo dalka wax u dhimaya loo jawwaabo idinkuna aad faafisan.
waxaan warbaahinta ka dhagaysanayey in xisbiga waddani mar walba hal hays u leeyihiin in wax kasta oo laga wada hadlo oo lagu tix galiyo ay ka daba hadlaan”
wasiir jaamac cabdillaahi biin isaga oo hadalkiisa sii wadtaha waxaa uu yidhi
“guddoomiyaha waddani kamid buu ahaa asxaabtii goáanka wada gaadhay hadii uu ka baxayna waxaanu leenahay guddoomiye umadaada runta u sheeg shalay markaan yurub joogtayna waadigii lahaa 18may waanu ka tashanaynaaye adoo 18 may u dhigay inay tahay maalin jabhadeed iyadoo ah maalin qaran oo somaliland oo dhami leedahay waxaan leeyahay guddomiye waxbaad ilowdaaye wax xusuuso””

IMG_5548

admin