Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Jaamacadda Hargeisa ayaa kala saxeexday heshiish

Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Jaamacada Hargeisa ayaa kala saxeexday heshiish ku saabsan in cilmi baadhis lagu sameeyo khilaafaadka soo noqnoqda iyo arrimaha khilaafaad ee ka dhaca bulshada dhexdeeda.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeisa Dr. Maxamuud Yusuf iyo Agaasimaha Machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacada Hargeisa Dr. Naasir Maxamed Cali ayaa kala saxeexday heshiishkan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Jaamacadda Hargeysa waxay iska kaashan doonaan ka wada shaqaynta arrimaha cilmi baadhista iyo xalinta khilaafaadka.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin