Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Oo Ka Qaybgalay Xaflad Lagu Qabtay Xarunta Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Hargeysa.

Hargaysa (MOI)- 10/3/2019- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka ka qayb galay munaasibad ka qabsoontay Taliska ciidanka Difaaca Badda JSL.

Munaasibadan ayaa loo qabtay saraakiil ka tirsan Ciidamaa Difaaca Badda oo lagu gudoonsiyay abaalmarino kala duwan kadib Tababaro in muddo ahba ay ku jireen oo usoo dhamaaday. Tababarkaasi oo ay ka caawisay ciidanka ilaalada xeebaha Dawlada UK.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ayaa markii uu gaadhay taliska Ciidamada Badda Waxaa Halkaasi Kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidamada Difaaca Badda Admiral mohamed hussein faarax xiirane iyo saraakiil kale.waxaana ay halkaadi salaan Sharaf kaga qaateen Cutub ka Tirsan Ciidanka Difaaca Badda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa munaasibada kadib waxa qaabka uu ciidanku u shaqeeyo warbixin ka siiyey Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Admiral mohamed hussein faarax xiirane iyo hogaanada ciidanka.

admin