Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL iyo Wafti uu  hogaaminayo Oo  Kulan La Qaatay  Sulaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Sanaag.

Ceerigaabo (MOI)-  Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Ahmed  Ayaa  galabta  Hoolka Shirarka ee xarunta Gobolka Sanaag  Kulan  kula qaatay Sulaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Sanaag.

Kulankan  Ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha  JSl Waxaa ku Weheliyaan Agaasimaha  Guud Ee Amniga Wasaarada  Arrimaha Gudaha JSl Mukhtaar Maxamed Cali, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Boos Mire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga   Xasan Gaafaadhi, Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Cismaan Caali Tiinbaro, Maayirka Magaalada Ceerigaabo C/ramaan Xaaji Nuur .

Kulankan  oo  Qaatay  Saacado kooban  ayaa  awooda lagu  saaray   xoojinta  nabada  Magaalada Ceerigaabo Iyo Guud ahaanba Gobolka Sanaag.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed  Ayaa Duqayga, Sulaadiinta ,Cuqaasha Iyo  Nin Garboodka Gobolka Sanaag  Halkaasi  uga jeediyey  hadalo Dhaxal gal ah iyo hogotusaalayn ku  qotomaha  Nabadgalyada .

admin