Wasaarada Arrimaha Gudaha  Oo Ku  Guulaysatay  Xalinta Iyo Nabadaynta  Deegaanada Hoos Yimaada Degmooyinka  Ceel Afwey Iyo Dararweyne.

Ceel Afweyn ( Xafiiska Afhayeenka)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Uu  Hormuudka Ka  Yahay  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Jsl  Mudane Maxamed Kaahin Axmed Oo  Uu  Weheliyo Agaasimaha Guud ee Amniga  Wasaarada Arrimaha Gudaha  Mukhtaar Maxamed cali  iyo  wasiiro kale  oo kamida  xukuumada Jamhuuriyada   Somaliland   Oo  Muddo 23 cisho ah  Arrinta Nabadayta  u Fadhiyey  Degmada Ceel Afweyn  ayaa ku  guulaystay  Xidhida Iyo Xasilinta Nabada Deegaankaasi  oo  colaado  soo noqnoqday  ay  ka  dhaceen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Agaasimaha Guud Ee Amniga  Qaranka  ee wasaarada Arrimaha Gudaha  iyaga oo ka duulaya  Masuuliyada iyo  ahmiyada  ay  nabadu  u  leedahay  qaranka iyo umada Reer  Somaliland  Iyo Xilka ay qarankan u hayaanba waxaa  ay  07/7/2018  ka anbo baxeen   Caasimada Somaliland ee Hargaysa,  Iyaga oo  usoo  xadhko  xidhay  sidii  ay  nabad waarta uga  dhex abuuri  lahaayeen  beelaha walaalaha  ah ee  Dagaalada soo Noqnoqday  Ku  Dhex Mareen Deegaanada Hoos yimaada  Degmooyinka  Ceel-Afweyn iyo Dararweyne.

Masuuliyiintan  ayaa  08/7/2018 kusoo  hoyday  Guriga martida ee Degmada Ceel Afweyn  halkaasi  oo  Ahayd  goobka  uu  ka dhacayey  Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha  ah . waxaana  Masuuliyiinta  Wasaarada Arrimaha Gudaha  Wehelinayey  Ergooyin iskugu jiray  Madax Dhaqameed iyo  Culimo Kala duwan  oo loosoo  xulay  Ka garnaqa Dagaalada  Beelaha Deegaanka wada dega  kuwaasi  oo  laga soo  xulay deegaanada Somaliland oo dhan .

Kadib markii  Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha  iyo Ergooyinka Nabadayntu  soo  gaadheen  deegaanka  Ceel Afweyn  waxaa ay  guda galeen  qorshaynta  qaabka  ay  u guda gali doonaan   Shirka Nabadaynta  beelaha Walaalaha ah, waxaana  ay   maalin  kadib  shirkoodii ugu  horeeyey  ku  qabsadeen  Hoolka Shirarka ee guriga martida  Degmada Ceel afweyn .

Waxaana  ay  halkaasi  Ergooyinka Iyo Culimada  Si Wada jira   iskaga  dhex doorteen  Shir Gudoon iskugu  jira Culimo iyo dhaqan  Kuwaasi  oo kala ahaa:

Dhanka Culimada:-

  • Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar Guddoomiye
  • Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir G/ku xigeen
  • Sheekh ISmaaciil Cabdi Hure (Sh. Ismaaciil Dheeg) Afhayeen
  • Sheekh Cusmaan Cali Xuseen
  • Cabdilaahi Xasan Xaashi ( Berbaraawi)
  • C/naasi X. maxamuud Cali
  • Aadan Cabdi Xuseen
  • Sh, yuusuf haybe ibraahim
  • Axmed sh. Cumar  xasan
  • Cusmaan xasan caynaan
  • Yaasiin Maxamed Axmed (Xoghayn)

Xubnaha Shirguddoonka ee La Shaqaynayey  Culimada :

  • Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal
  • Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
  • Suldaan Cabdillaahi Cabdi Koore
  • Suldaan Sayin Jaamac Warsame
  • Chief caaqil geesh aadan Bile

Intaasi  Kadin  markii ay  doorteen  Shir Gudoonkan oo U  Badnaa Culimada  Iyo Xumno  ka Caawinayey  dhanka Dhaqanka  oo  tirahaan  isku  ahaa 16 Xubnood  ayaa  waxaa ay  mar kale  guda galeen   Ajandaha Shirka  waxaana  ay  isla qaateen  in   dhamaan  xubnaha  kale ee ergooyinku   ahaadaan  goobjoogayaan  maamulida shirkana ay  wadaan shir gudoonku   halka  ay  culimadu  kaas ugu  ahayd goynta  garta iyaga oo ku  salaynaya  shareecada islaamka.

15/7/2018  waxaa si  rasmi ah u furmay   shirkii nabadaynta Beelaha Walaalaha ah  kaasi oo ay wasaarada  arrimaha guduhu  qabanqaabadiisa  iyo  masuuliyadiisaba ay  lahayd. Waxaana si  rasmi ah  u  furay   Madaxweyne  Ku  Xigeenka JSL.

Maalintaasi Furitaanka Kadib Waxaa Hawsha Habsami u Socodka Shirka La Wareegay oo Maamulayey   Shir Guddoonka Shirka Halka ay Xukuumaduna Dibad joog Ha Ahayd  oo ay  qaabilsanayd  amaanka guud  iyo fulinta go’aamada Salka u Ahaa Habsami u Socodka Shirka,

Shirkan  oo si habsami ah u soconayey  muddo  dhawr iyo toban  cisho  ah  ayaa soo  xidhmay  maalinimadii shalay  oo  taariikhdu ay  ahayd 01/8/2018 maalin  arbaca ah   waxaana  shirkaasi  lagaga  dhawaaqay  go’aamo  kaladuwan   oo  ku kala waajibay   labada dhinac ee  gartooda loo fadhiyey  waxaana  halkaasi  kaga  dhawaaqay   shir gudoonka  Nabadaynta  oo kamid ahaa Ergooyinkii iyo culimadii  loo soo xulay  nabadaynta  Mushtamada deegaankani  ku  dhaqan   kuwaasi  oo  wasaarada  arrimaha guduhuna  ku maamulaysay .

Go’aamada  kasoo baxay  shirkan  nabadaynta   oo  Halkan  hoose idiinku  soo  gudbin  doono  ayaa  noqonaya  kuwo  sal u  ah  nabadaynta Deegaanka  isla markaana ay  fulintooda  waajib ku  tahay  Wasaaradda  Arrimaha  gudaha iyada  oo  adeegsanaysa Ciidamada Kala Duwan  Ee Qaranka  iyo Laamaha Amniga.

Iskusoo   soo wada duuboo  shirkan  noqonaya  shirkii  ugu  ballaadhnaa  ee  noociisa ah  ee  lagu  qabto degmada Cee- Afweyn sii  loosoo afjaro   colaada Beelaha Walaalaha ah Waxaana shirkan  Maalinimadii  shalay  soo  xidhay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ,

admin