Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadalay Odayaal Ka Soo Jeeda Laas-Caanood Oo La Xidhay

Hargaysa(MOI)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka hadashay odayaal ka soo kala jeeda labadii beelood ee colaado soo noq-noqotay ku dhexmartay deegaanada gobolka sool in Xabsiyada magaalada laas-caanood lagu guray markii ay ka horyimaadeen in ay qataan nabada

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon iyo Wasiiru dawlaha madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees ayaa si wada jira ah u sheegay in Odayaasha la xidhay ay uga gon-leeyihiin In Ay nabada ku islaaxiyaan.

Ugu horayn wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamduu Xiir(Faratoon)ayaa sheegay in nabadii labada beelood dhaw-dhawdahay waxaana uu yidhi.

“Halkan Maanta waxa nala jooga labadii beelood ee dirirta colaadeed dhexmartay oo aanu iskugu yeedhnay taas oo aanu ka qaadnay balan iyo wacad,waxa jira dad aanu xidh-xidhnay oo xabsiga ku jira kuwaas oo ka kala tirsan labada beelood,arintaasina waa arin aanu nabad ku bislaynayno oo aanu faq-qalalada ku xakamaynayno kuna soo dhawaynayo sidii ay dadku u dagi lahayeen

Maxamed Muuse Abees Wasiiru dawlaha wasaarada madaxtooyadda Somaliland oo isaguna qayb ka ah waftiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu cidkasta oo nabad diid ah gacanta ku qabanayso.

“hortu imika waxa waliba wayn suurto galeen hadda waxa noohadhay ee kaliyi waxa weeyaan inaanu qabano wakhtiga iyo maalinta laysku imanayo uun,waxaanan ilaahay ka baryaynaa in si nabad qabta noogu dhameeyo.

Geesta kale suldaan Mustafe Aw Maxamuud Seed oo ka mid ahaa salaadiintii ku hawlnaa dhex-dhexaadinta labada beelood ee colaada soo noqo-noqotay ku dhexmartay gobolka sool ayaa sheegay in loo baahan yahay in nabada la qaato.

“Maanta waxa aynu odhan karnaa maalinta ay inoogu dhawdahay in ay soo afjarmato colaadee inta badnayd soo taagnayd,waxaanan leeyahay maanta waxa inala jooga xukuumadii,salaadiintii iyo odayaasha labadii beelood oo mid kastaaba nabada doonayo,waxaanan ilaahay ka baryaynaa cidii naxumayn jirtay iyo cidii naban jarin jirtay in ilaahay naga qabto,waxaanan rajaynaynaa in maalmaha soo socda shirku noofurmo.

 

admin