Daawo Khudbadii Madaxweynaha JSL ee 18 MAy

Hargaysa(MOI)-  halkan  hoose ka  akhriso kana daawo  khudbadii madaxweynaha  ee 18 may “Sida aad la socotaan, waxa dalka ka dhacay abaaro ba’an, oo waxyeelo u geystay duunyadii, daaqii iyo dadkiiba.
Abaarahaasi waxay si xun ugu habsadeen, guud ahaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakhtigan xaadirka ah, waxa qiyaas ahaan la xaqiijiyey in boqolkiiba toddobaatan xoolihii noolaa ay dhammaadeen, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dalkeenna.
Taasi waxay keentay, in dad badani ku soo hoydaan Tuulooyinka, iyagoo caydh ah.
Abaartaasi markii ay dhacday, waxaan magacaabay guddi qaran oo ka kooban culimo, ganacsato iyo mas’uuliyiin xukuumaddayda ka mid ah, si ay gurmad iyo gargaar ula gaadhaan dadka tabaaloobay, kuwaas oo illaa hadda shaqaynaya.
Waxaan shaki ku jirin in guddidaasi dedaal weyn ay samaysay, ILAAHAYNA sabab uga dhigay in ay badbaadiyaan nafo badan, oo baad iyo biyo la’aan u dhiman lahaa.
Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo Guddidii aan u xil-saaray taakulaynta abaaraha. Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan uga mahadceliyo cid kasta oo ka qayb qaadaatay gargaarkii iyo gurmadkii loo fidiyey dadkeenna xilligii abaarta.
Mar labaad, waxaan ummadayda ku hambalyeynayaa caadooyinka wanaagsan ee ay dhaqanka u leeyihiin, in ay iskaashadaan ama is caawiyaan wakhtiyada adag.
Waxaan caddaynayaa in Xukuumaddaydu ay gacan weyn ka geysatay gurmadkii abaaraha, isla markaan gundhig u ahayd hawlaha gargaarka. Hore ayaa loo yidhi: “Nin adhigiisii bahal galay, ayaan darane mooyee, orod darane lama yidhaahdo”.
Sidaa darteed, waxba lamaanu hadhin haba yaraatee, kuna faani mayno, oo waxay ahayd xil iyo waajibaad na saaran.
EEBE, waxaan ka baryayaa, inuu ajar iyo xasanaad, dhammaanteen inaga siiyo, qaadhaankii iyo sadaqaddii aynu isu hurray.

admin