TACSI Tiiraanyo Leh INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Wasiirka Wasraada Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,Wasiir-Ku Xigeenka Maamulka, Gobolada Iyo Degmooyinka Jaamac Cabdillaahi Biin, Wasiiru dawlaha Amniga Qaranka,  Agaasimaha Guud Ee Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Amniga Afayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Iyo Dhamaanba Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha .

Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Qoyskii Iyo Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Maayarka Degmada Xariirad Marxuum  Abokor Xasan Guuleed Oo Galabta Ku  Geeriyooday Daad Xoogan Oo Qaaday Gaadhi Ay Saarnayeen Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waabari Rooble.

Dooxa Qaaday maayarka ayaa lagu magacaabaa Sac-Waraabis waxaana uu shan kiiloo mitir dhinaca koon-fureed ka xigaa Magaalada Boon.

Masuuliyiinta  wasaarada  Arrimaha  Gudahu waxaa ay ilaahay  uga  maryayaan  inuu  samir iyo iimaan saadiqa kasiiyo   qoyskii  qaraabadii  iyo  qaranka  Somaliland  eek u  ka  baxay  marxuumkaasi  inta  kale  ee  dhaawacantay  uu  ilaahay  caafiyo.

 

AAMIIN AAMIIN

admin