Daawo:Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Digniin U Diray Madaxdhaqameedka Iyo Qaar Kamida Siyaasiyiinta.

Hargaysa(MOI)-  Wasiir ku Xigeenka  Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL ee  Mudane Jaamac  Cabdillaahi Biin  ayaa  Maanta Shir  Jaraa,id oo  uu  ku  qabtay   Xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha  Kaga  hadlay  Dadka  kasoo  horjeeda Horumarinta   Mashaariicda  Dalka.

Wasiirka Ayaa sidoo Kale Digniin u  Diray   Cuqaasha  iyo  madax dhaqameedka  dalka  kuwaasi  oo  uu sheegay inay   inay  hormuud u  yihiin  nabada   isla  markana  dawladu  ku ixtiraantu   iyaguna  tix galin  muujiyaan inaan  maanta kadib  loo adkaysan  doonin  caaqil   colaad   aloosaya  lagana  saari doono  liiska cuqaasha.
Dhinaca  Kale  Mudane Wasiir Jamac  Cabidillaahi Biin  waxaa uu  sheen in  warbaahinta  lagaga  hadli karo  wixii tallo iyo  toosina  ee ay ka  reeban tahay   kicinta  dadka  iyo ka  shaqaynta  dad isku  dirku.

“Ma jiro qof Dawlad-nimada ka wayn sharcigana waa lays marinayaa maamulada Goboladana waxaan u sheegayaa in ay hawlahooda si toos ah u qabsadaan caaqilku caaqil maaha haduu Nabadgalyo daro ka shaqeeyo cid kasta oo ka hor timaada Nabad galyada waxaanu ka baabiin doonaa diiwaanka caaqil-nimada waa arin rasmi ah oo wareegtadeeda aanu u dirayno gobolada oo dhan qof kasta oo caaqil ah oo ka qayb qaata Qas iyo Qalalaase nabad galyo daro ah waxaanu u diraynaa Gobolada Xeer lagaga saari doono caaqil-nimada”.

Wasiiru-dawlaha Maamulka iyo degmooyinka Gobolada Jaamac Biin ayaa sidoo kale Shaaca ka qaaday in talaabo laga qaadi doono xisbiga ka hor yimaada horumarka iyo barnaamijyada dalka ka socda waxaana uu yidhi. “kuwaa xisbiyada ee iyaguna ku Cadanyooda Horumarka waxaan leeyahay xisbi waxa uu ka hadlaa waxaa anigu ma qabtee ee wax ka wanaag san ayaan qaban lahaa laakiin waxaas lama samayn karo iyo lama yeelayo ma odhan karo xisbiga yidhaahda isagana talabo ayaanu ka qaadaynaa xisbigu waxa uu xaq u leeyahay oo uu xisbi ku yahay oo sharci loo siiyey wax kasta oo Dawladu fulinayso kama hor imanayo laakiin wuxuu odhan karaa anigu sidaa ma sameeyeen ee sidaa si ka wanaag san ayaan samayn lahaa” Ayuu Yidhi Wasiiru-dawlaha Maamulka iyo degmooyinka Wasaaradda Arimaha Guduhu.

 

admin