Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kala Diray Guddigii Dacwaddaha Dhulka Ee Gobolka Maroodi-jeex

Hargaysa(MOI):-Wasiirka  Daakhiliga Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu kala diray guddigii Dacwaddaha dhulka ka garniqi jirey ee gobolka Maroodi-jeex, kuwaasoo muddooyinkii u danbeeyay ay cabasho badani ka taagnayd hawlaha dacwaddaha dhulka ee ay gacanta ku hayaan, iyaddoo marar badanna lagu eeddeeyay inay hab leexsan oo Caddaalad-daro ah dacwaddaha u gallaan.

Wasiirka Ammuuraha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu Amray in si deg-deg ah ay Hay;addihii ay ka kala iman jireen Xubnaha guddiga ka garnaqa Dacwaddaha dhulku ay soo buuxiyaan Xubnahooddii, waxaannu si gaara uu Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan SOLTELCO uu faray fullinta buuxinta Xubnaha cusub ee Guddiga dacwaddaha dhulka ee gobolka Maroodi-jeex

Guddigan uu kala diray Wasiirka Arrimaha guduhu ayaa muddo-xileedkeeddu ahaa laba Sanno, balse waxa ay muddo dhaafeen Afar-sanno, waxaannay iska fadhiyeen lix sannadood muddo ku siman.

 

admin