Daawo:Wasiirada Xukuumadda Madaxwyane Siilaanyo Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yimi+Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Iyo Go’aano Ay Xukuumaddu Kasoo Saartay Adeegyada Zaad Iyo Edahab Iyo Sarriflayaasha Somaliland

Hargeysa(MOI)-Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa maanta kulan deg deg ah iskugu yeedhay wasiirada xukuumaddiisa .

Waxaana ay wasiiradan ka doodeen isla markaana ay falanqeeyeen sixir bararka ka taagan dalka iyo waliba waxyaalaha sababta u ah sixir bararkan taas oo saamaysay dadkii dan yarta ahaa iyo waliba ganacssatadii ku ganacsan jirtay suuqyada magaalooyinka dalka.

Shirkan deg deg ah ee ay iskugu yimaadeen wasiiradu oo uu hogaaminayey madaxwaynaha Somaliland ayaa wax kasoo baxay go’aamo adag.

Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka warbixiyey ujeedada kulankan deg deg ah ee ay iskugu yimadeen wasiirada xukuumaddu iyo waliba go’aamada adag ee kasoo baxay shirkoodaasi.

Image may contain: one or more people and people standingImage may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, sunglasses and suit

Image may contain: 2 people, sunglasses and suit

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

admin