Daawo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Si Diiran Madaarka Caasimada Hargaysa Kusoo Dhaweeyey Wafti uu Hogaaminayo Dhigiisa Dalka Jabouti

Hargaysa(SLMOI)-  Wasiirka wasaarada  Arrimaha Gudaha Somaliland  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon  oo  Weheliyaan  Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan , Taliyaha Ciidamada Laanta Socdaal Dayib  iyo Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland Ayaa Saaka Si Diiran Madaarka Caasimada Hargaysa Ugu Soo Dhaweeyey   Dhigiisa Dalka Aynu Jaarka Nahay  Ee Jabouti Xasan Cumar Maxamed Burhaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Jabouti Xasan Cumar Maxamed Burhaan  ayaa socdaalkiisan  uu  ku yimi   dalka Somaliland  waxaa  Wehelinayey  La Taliyihiisa Gaarka Ah,  Taliyaha Ciidanka Boliska, taliyaha  laanta Socdaalka  iyo  Taliyaha La Dagaalanka Argagaxisada  Ee Dalka Jabouti.

Waxaana  markii  wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Kusoo Dhaweeyey  Madaarka  Cigaal Intrenational  Airport  waxa uu  usoo galbiyey  Gudaha Magaalada  Hargaysa Iyaga oo  kormeer ku tagay  Xarunta Dabdamiska ee  Somaliland .

Intaasi  kadibna  waxaa ay  uga  gudbeen  xarunta  madaxtooyada Somaliland   Halkaasi  Oo  shir  albaabadu  u  xidhnaayeen  kula qaateen  Madaxweynaha Somaliland   Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  oo  ay  weheliyaan  La Taliyihiisa Gaarka Ah  Cali Maxamed Waran Cadde, Wasiirka Madaxtooyada , Xoghayihiisa Gaarka Ah , Wasiirka Arrimaha Gudaha  Iyo Waliba Mudanayaaal Kale.

Waftidan oo casuumadeeda ay  la hayd  wasaarada Arrimaha Guduha Somaliland  ayaa  ujeedada Socdaalkoodu  uu  salka ku  hayey  Sii  xoojinta  Xidhiidhka Labada Dal  ee Dhanka Amaanka Iyo  siyaasada .

admin