Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Beeniyey Warar Sheegaya In Khilaaf Ka Dhex Jiro Wasiirka Iyo Wasiiru Dawlada Wasaarada

Hargaysa(SLMOI)- Af-hayeenka wasaarada  arrimaha gudaha Somaliland Ayaa  been iyo  baro  bogaando  ku  tilmaamay  warar  maalmihii  u  danbeeyey   ay   warbaahinta qaarkeed qorayeen .

warsaxaafadeedkan  oo  dhamays tirana waxa uu  u  qornaa sidan

War- saxaafadeed
28/11/2016
Ku :Radio Hargaysa Iyo SLNTV
Ku: Dhamaanba Warbaahinta Madaxa Banaan
   Ujeedo: beenin war
Aniga oo ku hadlaya afka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland waxaan war-saxaafadeedkan kaga jawaabayaa War been abuura isla markaana aan sal iyo raadtoona lahayn Kaasi oo laga qoray wasaarada arrimaha gudaha.
Warkan been abuurka ah oo kusoo baxay qaar kamida wargaysyada iyo mareegaha maalintii shalay ee lasoo dhaafay.
Kaasi oo sheegayey in Wasiirka Wasaaarada Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) iyo Wasiiru dawlada Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Aminiga Maxamed Muuse Diiriye ay isku maan dhaafsan yihiin magacaabista Gudoomiya Degmada Daara Salaam oo dhawaan Wasiirku Magacaabay.
Waxaan shacbiweynaha Somaliland halkan uga caydaynayaa inaan warkaasi waxba kajirin oo uu yahay mid been buura sal iyo raad toona aanu lahayn.
Sida uu dhigayo Xeerka Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland ee Xeer Lr.23/2002 waxa uu awood buuxda siinayaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guduhu inuu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo dhamaan Dudoomiyeyaasha Degmooyinka .
Sidaasi darteed Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland 24/22/2016 isaga oo tix raacaya Qodonka18aad ee xeerka gobolada iyo degmooyinka iyo qodobadda 110aad iyo 111aad ee Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. waxa uu u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Daarasalaam Inuu Ahaado Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed.
Waxaa wax laga yakh-yakhsoodo ah in beryahan danbe warbaahintii dalku noqotay mid quud ka dhigata xasaradda abuurka iyo qorida dacaayadaha kutiri-kuteenka ah ee makhaayadaha dadka milaa camalka ahi kaga yeesheeyaan.
Ugu danbayntii waxaan dhamaanba wargaysyada iyo dhamaanba mareegaha halkan uga soo jeedinayaa inay ka feejignaadaan oo iska hubiyaan wararka aan xaqiiqa ku salaysnayn ee kutiri-kuteenka ah.
  ALLAA MAHAD LEH

Jamaal Cabdi Muxumed
Af-hayeenka wasaarada Arrimaha Gudaha

admin