Daawo:- Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadley Khasaaraha Ka Dhashey Rabshadii Maanta Ka Dhacey Gooranka Kubada Cagta Ee Hargeysa.

Hargeysa (SlMoi):- Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman

oo caawa warbaahinta kula hadley taliska guud ee ciidankaasi waxaa uu faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashey rabshadihii galabta ka dhacay garoonka kubada cagta ee Hargeysa

Taliyuhu waxaa uu sheegay in rabshadahaasi ay ka dhaseen dhaawaca 12 qof oo shacab ah isla markaana waxaa uu taliyuhu si cad u sheegay in aanay jirin wax dhimasho ah oo ka dhashey dhacdaadasi

Dhinca kale waxaa uu sheegay taliyaha ciidanka Boolisku in ciidanka Booliska ay ka dhaawacmeen 15 askari isla markaana saddex ka mid ah uu dhaawacoodu culus yahay isaga oo xusay in mid ka mid ah ay ku dhacdey rasaas ay soo rideen dadkii shicibka ahaa

Sidoo kale taliye Fadal waxaa uu xusay in ciidanka Boolisku ay isticmaleen gaasta dadka kaga ilmeysiisa isla markaana ay ka taxadireen wax kasta o dhibaato u gaysanaya shacabkooda isaga oo hoosa ka xariiqay Muddane Fadal in ciyaaraha gobaladu halkoodi ka sii socon doonan isla markaana uu bulshada ugu baaqayo in ay nabad galyada ilaaliyaan

admin