Shir Lagu Gorfaynayay Habsami U Socodka Hawla Qaranku U Xil Saaray Gudida Maamul Wanaaga Iyo Kala Horaysiitna Baahiyaha Good Governance Sector –Ka Oo Ka Qabsoomay Xarunta Wasarada Arrimaha Gudaha

Hargaysa(SLI)- Shir ay hogaaminaysay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  isla markaa ay  qayb ka ahaayeen Wasiirka Wasaradda Gaashandhiga, Wasaaradda Cadaalada, Wasaaradda Arrimaha Dibada, Wasaradda Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada,  Wasiirku-Xigeenka Wasaradda Warfaafinta, Dhamaan Laamaha Amniga oo kala ah Booliiska, Ilaalada Xeebaha iyo Socdaalka ka iyo Gudoomiyaha Hayda xuquuqul Insaanka iyo Hay’’addo  kala duwan oo ka tirsan Qaranka iyo Bulshada caalamka haydo iyo NGOs ka socda oo uu ka kooban yahay MAAMUL WANAAGU.

Shirkan oo ahaa mid aan caadi ahayn waxa hogaamintiisa iyo abaabulkiisaba lahaa Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ah chairman ka gudida maamul wanaaga kaas oo Wasiirku-Xigeenka Maamulka Goboladda & Degmooyinku Jaamac Cabdilaahi Biin halkaa ka soo jeediyay Qudbad, DANIDA oo sarkaalka ka socday uu ahaa Co-Chair ka Gudida iyo Xoqhaynta  Gudida  oo ah Good Governance and Anti-corruption.

Shirkaas oo lagu gorfaynayay habsami u socodka hawla Qaranku u xil saaray gudida Maamul Wanaaga iyo kala horaysiitna baahiyaha Good Governance Sector -ka sidii loogu dari laha Qorshaha Qaranka ee 5 sano ah ee soo socda oo ay ku hawlantahay Wasaarada Qorshaynta Qaranku oo ka soo qayb gashay shirkan aan caadiga ahayn.

Kala horaysiinta baahiyaha iyo kala doorbidkoodu wa hawl baaxadeeda leh una baahan khubaro, sidaa daraadeed waxay isla qaateen dhaman gudidi ka soo qayb gashay in sector ka loo sii kala jajabiyo qaybo oo hayadaha iyo Wasaarada laysu  raaciyo iyadoo loo eegayo hawsha uu Qaranku u xil saaray.

Dhamaan ka soo qaybgalayaashi shirku iyo madaxdi hogaaminaysay ba waxay isla qaateen in laysku noqdo laysla soo eego sida ugu haboon ee loo kala jajabin karo sector ka laysuna raacinayo gudiyadan.

Ugu danbaynti waxa shirka soo xidhay gudoomiyaha isago la qaatay ka soo qaybgalayaasha in laysugu soo noqdo maalinta isniinta ah ee soo socta kuna suntan tarikhda ah 26-sep-2016.

14407969_654895324673089_186036153_o 14408195_654891961340092_68456371_o 14445493_654916598004295_631237040_n 14446456_654889728006982_1989417641_o 14453967_654894841339804_1897224296_o 14454132_654896014673020_1467221466_o

admin