Culimada wasaarada Diinta iyo Awqaafta JSL Oo muxadiro u qabtay Shaqaalada wasarada arrimaha gudaha.

Hargaysa ( SLI)- Culimo ka socda wasaarada diinta iyo awfaaqta Somaliland oo uu hogaaminayey sheikh Awlibaax ayaa maanta muxaadiro ka hadlaysa fadliga bisha baraykaysan ee ramadaan, ku qabtay hoolka shirarka ee wasaarada arrimaha gudaha.
muxaadiradani ayaa culimadu ay u qabteen shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha halkaasi oo qadar saacad badhkeeda ay shaqaaluhu dhagaha u raaricinayeen wacdiga.
Culimadan ayaa sanad walba marka la gaadho bisha barakaysan ee ramadaan waxay wasaaradaha kala duwan ee xukuumada u qabtaan muxaadirooyin la xidhiidha bisha barakaysan ee Ramadaan .
Iyaga oo maalinba wasaarad ku kalaha isla markasina ugu faa’íideeya khayrka iyo qiimaha bisha ramadaan.
Bishan aynu ku jiro ee ramadaan oo maanta sadex maraysa ayaa sida ay culimadu sheegeen waxa ay wacdiga wasaradaha bilaabeen shalay iyadoo wasaarada arrimaha guduhu noqotay wasaaradii 2aad ee ay shaqaalaheeda wacdiyaan.
Xafiiska Af- hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudah.

IMG_2664 IMG_2668 IMG_2670 IMG_2672 IMG_2673

admin