Wasiirka A. Guddaha Jsl oo Xafiiskiisa ku Qabtay Kulan Muhiima oo Lagaga Arinsanaayey Sidii Waddooyinka Suuqa Gobanimo Loo Banaynlahaa

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan sidii wadooyin looga saari lahaa suuqa wayn ee Gobanimo.

Hargeysa-06-01-2024-() Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, kulankan ayaa lagu Lafa-guray sidii looga hortegi lahaa khatar dab ka dhalata Suuqa ganacsi ee Gobanimo iyo Suuqa ganacsiga ee Magaalada Burco.

Shirkan muhiim ka ah ayaa la iskula qaatay in degdeg wax looga qabto wado xumada iyo cidhiidhiga ka jira suuqa Gobanimo, si aanay uga dhalan dhibaatadii dabka ee horay khasaaraha wayn sababtay, taasoo galaafatay hanti badan oo taallay suuqa Waaheen iyo Wajaale.

Wasaarasda Hawlaha Guud iyo Guryaynta ayaa soo bandhigtay qorshaha iyo Mapka ay u dejisay Suuqa Gobanimo. Waxaana kulankan ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mustafe Maxamuud Cali, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Muuse Selef, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Hay’adda Tamarta, Dowladda Hoose ee Caasimada, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska, Taliska Ciidanka Booliska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Shirkadaha bixiya adeega Laydhka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin