Hirar waawayn oo badda laas Qoray ka soo kacay ayaa dibadda u soo saaray oo burburiyay ugu yaraan toban doomood

Hirar waawayn oo badda laas Qoray ka soo kacay ayaa dibadda u soo saaray oo burburiyay ugu yaraan toban doomood waxaana jira walaac laga qabo in ay biyuhu galaan guryaha sida uu BBC-da u xaqiijiyay, Badhasaabka badhan u jooga Somaliland Cali Xuseen Saalax.
Hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in la filayo in ay mahiigaannada ka da’aya qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka sii daraan labada maalmood ee foodda inagu soo haya.
Shalay ayay ahayd markii digniinta laga soo saaray duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah.
Dhanka kalana waxaa hoos u dhacay roobabka ka da’aya   dhulka buuralayda ah ee Itoobiya.

Duufaan markale ku soo socota xeebaha Puntland iyo Somaliland berito sida ay sheegeen xarunta hawada ee urur goboleedka IGAD. Waxay sheegeen in duufaantu soo gaarayso berito xeebaha Somaliland

Digniin:- Saaka waxa jira daruuro badan oo onkod samaynaya waxay u eeg yihiin roobabki la saadalinayay, dadweynaha reer Berbera waxaan uga digaynaa meelaha biya mareenada ah inay u dhawaadaan.

Ka dawlada hoose ahaan waxaan heegan buuxa galinay dhammaan shaqaale waynaha dawlada hoose oo ku jira diyaar garaw iyo inaan xaalada la socono.

Ilahay SW marka aynu is baydhino ayuu isna ina badbaadinayaa.

admin