wasiirka wasarada arimaha gudah ayaa digniin u diraya shacabi waynaha jsl inaya ka digtonadaan meelaha dooxyadaa

wasiirka wasarada arimaha gudah  Mudane: Maxamed Kaahin Axmed  ayaa digniin u diraya  Shacbi waynaha reer Somaliland  inay ka digtoonaadaan kana fogaadaan goobaha Dooxyada iyo Laagaha ee dhulka Xeebaha.

Dhanka kale Darawalada Gaadiidka ayaa fariintani si gaara u khusaysaa inaanay Naftooda iyo hantidooda halis ku gelin goobaha khataraha ah ee dooxyada ee halistu ka iman karto.

Sida aanu ka soo xiganay Haayada ka hortagga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka( NADFOR) waxaa la filayaa muddo todobaad ah ay socdaan Roobabkaasi sida ay sheegeen haayadaha Saadaasha ee Geeska Afrika iyo kuwo caalami ah, Roobabkaas oo badi ku soo beegan dhulka Xeebaha Somaliland.

Roobabkan ayaa ilaa hadda ka da’ay Goobo ka mida Somaliland kuwaasoo aan keenin khasaare, sidoo kalena Magaalooyinka kalena Daruuruhu ay isa soo qabsadeen.

admin