Wasiirka Wasarada Arimaha gudaha ayaa kulan la qaatay Wakiilka midowga Europe

Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha mudane mahamed kaahin ahmed  ayaa kulan la qaatay Wakiilka midowga Europe oo waheliyo danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Somalia Mud. Staffan Tillander ,

shirkan o ay  Wasiirka  ku wahelinayey labada la taliye Mr. Saciid Yuusuf iyo Mr. Axmad Yuusuf ( Sudi ).

Arrimaha  badan oo la isla lafa gurey  ka dib  waxa ka soo baxay qodobo dhawr ah

:1 – guud ahaan in lawada shaqeeyo, taas oo dan u ah cidwalba.

2 – arrinta ku saabsan xubnaha guddida doorashooyinka qaranka in hore loo xaliyo.Taas oo wasiirku ku balan qaadey in ay ka goantahay xisbiga Kulmiye in ay sulux iyo wada tashi mar walba ula tagaan axsaabta mucaaridka. Shirku wuxu ku dhamaadey is afgarad iyo jawi wacan.

admin