Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti baladhan Oo uu hogaminayo ayaa Ka Qayb-galay xafladii qalin jabinta ee Loo Sameeyey Dufcaddii 9-aad ee Ka Qalin-jebisa Jaamacadda Burco

Madaxweynejsl mudane  Muuse Biixi  cabdi iyo wefti baladhan Oo uu hogaminayo ayaa Ka Qayb-galay xaflada balaadhan oo Loo Sameeyey Dufcaddii 9-aad ee Ka Qalin-jebisa Jaamacadda Burco

munaasibadan lagu karaamaynayay dufcadii 9aad  ee ka qalin  jabisa jamacada burco ardaydan oo ay tiradoodu dhamayd   242 Arday oo kuliyado kala duwan ka qalin jabiyay xaflad ayaa ka dhacaday hoolka jamacada   waxan madax waynaha ku wehelinayay  xubno kamida golahiisa wasiirada   ugu horeeyo  wasiirka wasarada arimaha gudaha mudane: mahamed kaahin ahmed

maamulka gobalka  iyo maamulka  iyo macalimiinta jamacada walidiinta ardayda qalin jabinaysay iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan

waxan halkaas  laga jeediyay khudbado wanooyin iyo bogaadin lagu bogaadinayo ardayda qalin jabisay laguna dardaaray inay tacliintooda halka kasii wadaan

gudoomiyaha jamacada prof saleeban dirir cabdi oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraday marxaladihii kala duwanaa ay soo martay jamacadu waxaanu bogaadiyay dadaalki ay soo mareen  ardayda maanta qalin jabinaysa  iyo sidii ay ugu soo dhabar adaygeen hayaan kii dheera ee geedi socodka wax barasho

madax waynaha jsl mudane muuse biixi cabdi ayaa khudbad miisan leh  u jeediyay ardayda qalin jabinaysay ugu horayna ku bogaadiyay yoolka wax barasho ee ay ka midho dhaliyeen waxaanu ku tilmaamay guul qaran

admin