Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Xabsiga U Tabaabtay Dad Ka Been Abuuray Sinjiyada Dhalashadooda.

Hargaysa (MOI) –  Wasaarada  Arrimaha Gudaha  Somaliland  ayaa maalinimadii shalay  xabsiga u  taxaantay     Sadex Nin  oo laba kamidi  u   Dhasheen  Ismaamulka Dawlad Deegaanka  Somalida  ee  Ethiopia  kuwaasi  oo  ka been   abuuray  sinjiyada dhalashadeeda  si  ay  u  qaataan   kaadhka  dhalashada  Somaliland halka  Ninka  kalena   uu ka cawiyey  qabiilka ay  sheeganayeen  kuna dhiiri galiyey .

Ragan   oo  magacyadooda la  kala  yidhaa Cabdillaahi  Cabdi Bacaad Yuusuf I yo  Xuseen Sh. Ibraahin Carab  Xuseen ayaa  u  dhashay   dalka aynu  jaarka  nahay  ee  Ethiopia  gaar ahaan  ismaamulka  Soomaalida  Halka  ka  kale  ee ka caawiyey  dhanka  sinjiyada ay  sheeganayeen  uu u dhashay  Somaliland   kaasi oo  isagana  lagu  magacaabo  Deeq Muxumed Guure  Xuseen ,

  Ugu danbayntii Wasaarada arrimaha  gudaha  ayaa  muwaadiniinta uga  digtay  inay  ku  gacan siiyaan  dadka  ajaanibka ah qaadashada  card-ka  dhalashada  isyada oo cidii isku  daydana  ay  kala  kulmi doonto  xadhig  iyo  ganaax agad

admin