wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL oo gaadhay deeganka bacaha ee ay isku hayaan beelaha deegaan kaasi wada daga.

ceel afweyn(Xafiiska afhayeenka)- wafti baladhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL mudane Cali Maxamed Warancade ayaa saaka gaadhay deeganka dirirtu ku dhex martay deegaanka bacaha ee ka tirsan Degmada ceel afweyn ee gobolka Sanaag.

Waftidan ayaa wasiirka ay ku wehelinayaan wasiirka gaadhaan dhiga iyo wasiirka dib u dajinta somaliland waxaana magaalada ceelafweyn kusoo dhaweeyey badhasaabka gobolada Sanaag iyaga oo waftidu isla maantaba gudoonsiiyey galeen xalinta shaqaaqada labada beelood.

Wasiirka iyo badhasaabka gobolka sanaag ayaa warbahinta kula hadlay Degmada ceel afweyn ka hor intii aanay gaadhin deegaanka bacaha.

waxaana wasiirku sheegay inaan dalku lahayn laba ciidan ee dalku leeyahay ciidan qaran isla markaana aan la arki karin nin shiciba oo hubaysan cidii lagu qabtaana ay ciidanku ku amran yihiin inay gacan bira ku qabtaan.

“dalku malaha 2 ciidan waa qaran waxaanu leeyahay ciidan qaran oo amaanka dalka masuuliyadi ka saara tahay cidii lagu qabto ciidanku xaq waxa uu u leeyahay inuu marka hore dhig ku yidhaa hadii uu dhigi waayana ay shaqo ka qaban doonaan cidna aan loo raacin” wasiir cali maxamed warancadde.

dhinaca kale wasiirku waxa uu tacsi u diray dadkii shaqaaqada ku dhintay.

IMG_3899 - Copy IMG_3897 - Copy IMG_3953 IMG_3885 - CopyIMG_3928 - Copy - Copy - Copy IMG_3928 - Copy - Copy IMG_3941 - Copy - Copy IMG_3941 - Copy IMG_3943 - Copy - Copy - Copy IMG_3943 - Copy - Copy IMG_3943 IMG_3947 - Copy - Copy IMG_3951 - Copy - Copy

admin