Wasaaradda Arimaha Guddaha Jsl oo Magaaladda Oodwayne ku Qabatay Shirka Diyaarinta Geedi socodka Siyaasadda Qaranka Somaliland

Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismail Abdi ayaa gobolka Daadmadheedh Degmadiisa Odweyne ka furay shirka saabsan Geedisocodka diyaarinta Siyaasada Nabada ee Qaranka JSL, watashigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, waxa loo qabtay Madaxdhaqameedka, Dhalinyarada iyo haweenka, Ciidamada Nabadgalyada iyo Dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Waxa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha ahna Moyar-ka Odweyne , Mudane Ibrahim Qaasaale Rooble , Taliyaha Qaybta Taliyaha Qaybta Police-ka ugu dambeyntiina waxa soo gabagabeeyey Gudoomiyaha Gobalka Daadmadheedh Mudane Cabdiraxiin Muxumed Axmed .

 

Dhamaan ka soo qaybgalayaasha oo ka mid ahaayeen madax-dhaqmeedka, Dhalinyarada, iyo Haweenka, ku waasoo dhamaantood lagu dhiiri geliyey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen Dardargalinta Diyaarinta Siyaasada Nabada ee Qaranka ee Gobolka iyo Degmo ahaan ba kaga qayb qaataan wixii Nabadgalyada adkaynaya ta gobolka iyo Wadajirka bulshada ku dhaqan Gobolka Daadmadheedh

 

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

admin