Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace, Itande Kakama.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace, Itande Kakama.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madaxda Hay’adda Interpeace ayaa ka wada hadlay in ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iska kaashadaan dhinacyada horuumarinta siyaasadda, Dhaqanka iyo dhismaha nabadda.

 

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Masuulinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha,waxaanu kulankani ku soo dhamaaday isfaham iyo Iskaashi.

 

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin