Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Ka Shir Guddoomiyey Shir Madaxda Laamaha Amniga Qaranku Ka Qayb ahaayeen oo Xoojinta Amaanka iyo Sugida Xuduuddaha…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Dr. Roobl Muse Abdi ayaa shir gudoomiyey kulanka amniga, kaasoo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha saaka.

 

Kulankan amniga ayaa lagu Lafa-guray xoojinta iyo dardargelinta hawlaha guud ee amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, wada shaqaynta laamaha kala duwan ee amniga iyo xoojinta xuduudaha Dalka.

 

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay markasta ciidamada kula duwan ee amniga ku gacan siiyaan ilaalinta nabadgelyada Dalka, iyagoo barbar taagan Ciidamada amniga, si gaara ayaa loogu mahadnaqayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan amniga Dalka.

 

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

admin