Xisbiga Taladda Sland haya Ee KULMIYE oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Heshiisna La Saxiixday Xisbiga talada Dalka Koonfur Afrika haya ee ANC

Xisbiga Taladda haya Ee KULMIYE iyo Xisbiga talada Dalka Koonfur Afrika haya ee ANC ayaa maanta kala saxeexday heshiish.

Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuulin heerkoodu sareeyo oo ka socda Xisbiga ANC iyo Dawladda Koonfur Afrika ayaa sida wada jir ah u kala saxeexday heshiish iskaashi oo dhinacyo badan leh, sida maalgashiga, Kaluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta.

Labada Xisbiga ee KULMIYE iyo ANC ayaa waxaa kala hoggaamiya rag soo halgamay, waana laba Xisbi oo wax badan wadaaga,iyadoo labada Xisbiga ay waxyaabo badan iska kaashan doonaan.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin