Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl Oo Kulan Lagaga Hadlaayey u Diyaar Garawga Diwaangelinta Kaadhka Codbixin La Qaatay Agaasime Waaxeedyadiisa

Hargeysa(24/12/2022)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Wuxuu kulan la qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ArimahaGudaha, kulankan ayaa loogu diyaar garoobayey Diiwaangelinta Kaadh qaatashada Codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo dalka ka qabsoomaysa 28-12-2022.
Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL waxay door muhiim ah ku leedahay Arimaha Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta, iyadoo kulankan saakana loogu diyaar garoobayey arrinta Diiwaangelinta, halka Wasaaraddu ay diyaarisay Xafiiska heeganka, kaasoo ay soo dhacayaan cabashooyinka iyo guud ahaanba arrimaha amniga, waana xafiiska shaqaynaya 24 saacba, iyadoo lagu xidhay qalab Isgaadhsiin casri ah.
Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Arimaha Gudaha ayuu Wasiirku faray in ay ka hawl galaan Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, iyagoo koormeer joogto ah ku samayn doono goobaha Diiwaangelinta, halka Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudahana ay fadhi doonaan oo hawlaha Diiwaangelinta ay kala socon doonaan Wasiir Kuxigeenka Amniga iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arimaha Gudaha.
Guud ahaan Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, waxay diyaarisay dhammaan doorkii ay ku lahayd Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, hadii ay amniga ahaan lahayd iyo haddii ay ahaan lahayd arimaha Wacyi-gelinta iyo farsamada oo ay kala shaqaynayso Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
admin