Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Kulan Balaadhan La Qaatay Guddida Doorashooyinka Qaranka Jsl

 

WAR-SAAFADEED

oHargeysa-20-12-2022(), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Wuxuu Shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Guddida Doorashooyinka Qaranka, Wasiiradaha Wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka, Agaasimeyaasha, Badhasaabada, Xildhibaanada iyo Siyaasiinta Gobolada Sool, Badhan iyo Sanaag Bari iyo Buuhoodle, kulankaa Ayaa ku Saabsanaa Dardar-gelinta iyo u diyaar garowga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland oo dalka ka bilaamaysa 28/12/2022.

Dood dheer ayaa laga yeeshay sidii Diiwaangelintu u wada gaadhi lahayd degaanada Bari ayna uga qabsoomi lahayd si nabadgelyo ah, taasoo la isla qaatay in iskaashi buuxa ay ka yeeshaan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Bulshada iyo waxgaradka dadka degaanadaas.

Madaxda iyo Xildhibaanada gobolada Sool,Buuhoodle iyo Badhan ayaa ku ammaanay Guddida Doorashooyinka Qaranka, kulankan wadatashiga ee ay la sameeyeen, taasoo aan horey u dhicin, iyadoo arrintani fududaynayso in bulshada Goboladaasi ay si dhab ah isu Diiwaan geliyaan mudada ay socoto.Kulan ayaa la iskula qaatay arrimahan.

1- in Gobolada Sool, Buuhoodle iyo Badhan laga sameeyo Wacyi-gelin dheeraad ah, taasoo ay iska kaashanayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka, Xukuumadda iyo dadka degaanadaas.

2- In ay si dhow u wada shaqeeyaan Gudida Doorashooyinka Qaranka iyo Masuuliyiin Golabada Sool, Buuhoodle iyo Badhan.

3- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna dhiciisa cadeeyey in ay diyaariyeen Ciidamadii ilaalin lahaa ammaanka Goobaha Diiwaangelint, taasoo diyaar ah.

4- Waxaa si wada jir ah loogu mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed oo kulankan ballaadhan soo qaban-qaabiyey.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

admin